Siyaasadda Soomaaliya

Qodobadaan waa kuwa ka mid ah Tixda:
Siyaasadda iyo Xukunka
Soomaaliya

Siyaasadda Soomaaliya waxay soo martay isbedbedel badan. Intii uu socday Dagaalkii sokeeye kaaso dhaliyay burbur farabadan dawladdii Kacaanka kadib 1990, Soomaalida waxaa loo sameeyay Dastuur, Federaal ah iyo Maamul Goboleed kuwaas oo ku yimid qaabab kala duwan, waxaa samaysamay Somaliland taasoo sheegatay in ay tahay dawlad madax banaan kana go'day Soomaaliya inteeda kale, shacabka Soomaaliyeed raalli kama noqon goosashada Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya 1991. Waxaa sidoo kala samaysmay Puntland 1998 taasoo ay sameysteen beelaha dega Bari, Bugaal iyo woqooyiga Mudug, waxaa sidoo kale la sameeyay Galmudug 2010. Horraantii 2000 waxaa la soo dhisay dawlad ku meel gaar ah waxaana madaxweyne ka noqday. Dott Cabdiqaasim Salaad Xassan (TNG) waxaa ku xigtay dawladii Federaalka ku meelgaarka ahayd ee loo yaqiin (TFG)2004 waxaana madaxweyne ka noqday Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo dalka galisay burbur horle waxayna soo galisay dalka ciidamada Itoobiya.[1] Midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya isku fidiyay taasoo ka caraysiisay Itoobiya una aragtay fusad ay kula dagaalami karto ficilada ay sameeyeen. Markii meesha laga saaray Maxaakiimta ayaa waxaa soo baxay kooxo la magacbaxay Muqaawamo kana aas aasamay magaalada Muqdisho intii ay socotay muqaawamada waxaa barbar socday wadahadal UN-ka loo maray kaasoo uu garwadeen ka ahaa Axmed Walad Cabadlla keentayna in laga saaro Itoobiya dalka Soomaaliya bartamihii sanadkii 2009. Waxaa maxaakiimta ka farcamay kooxda Al-Shabaab taasoo dalka dhibaatadii ka jirtay sii murjisay, taasoo dagaal la gashay dawlad lagu soo dhisay dalka Jabuuti Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Axmed 2010-2011 dagaal ba'an ku dhexmaray magaalada muqdisho iyo nawaaxigeeda, Madaxweyne Shariif xoogaa rajo ah ayay soo celisay Dawladdiisii loogu magacdaray Midnimo Qaran dawladdaas oo muqdisho ka fogaysay qatartii Al-shabaab iyadoo gacan ka helaysa AMISOM wuxuu diyaariyay doorasho aad loogu riyaaqay,[2] kaasoo xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaana taa xigay dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud taasoo ku guulaysatay isu soo dhoweyn Soomaalida dhexdeeda ah iyo dastuurka oo loo hogaansamo.

  1. Wikileaks. "Nuqul Archive" (PDF). Wikileaks. Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 2014-04-07. Soo qaatay 2007-04-26 ].  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); line feed character in |title= at position 39 (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date= (caawin)
  2. . Al-arabiya [[http://www.alarabiya.net/articles/2013/01/16/260703.html Hubi |url= value (caawin). Soo qaatay 16 Jan 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)

© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search